Allbanaadir.com
NEWS

Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oo saakay xaaskiisa ku dishay Muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saakay Gudoomiyihii waaxda Halgan ee Degmada Dayniile lagu dilay gurigiisa, waxaana dilkaasi geesatay xaas uu qabay sida ay noo sheegeen xubno aad ugu dhawaa gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Waaxda Halgan Cabduqaadir Fooldibi ayaa tooreyda ay ku dhufatay xaaskiisa kasoo gaaray dhaawac culus ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer halkaas uu markii dambe ugu geeriyooday dhaawaca gaaray.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida uu u dhacay dilka saakay loo geestay Gudoomiyihii Waaxda Halgan ee Degmada dayniile, waxaana wararka qaar sheegayaan in Gudoomiyaha xaaskiisa dishay xili uu ku sugnaa guriga Haweeney ay kala tageen.

Maamulka degmada Dayniile iyo taliska Booliiska ayaan wali ka hadlin dilkan dadka badan ka naxeen ee saakay ka dhacay Degmada Dayniile, waxaana meydka Gudoomiyaha la dilay loo qaaday xarunta CID-da.

Haweeneydii dilka u geestay seygeeda Cabduqaadir Fooldibi ayaa la sheegay in ay baxsatay, waxaana socda baadi goob ay ciidamada booliiska ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhii lahaayeen.

 

Related posts

Haween Soomaaliyeed oo ka laabtay xaflad aroos oo ku geeriyooday Bristol

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay kulan Xasaasi ah oo xalay dhax maray Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade

Maxkamada ICC oo dalbatay in la soo xiro Raisul Wasare Netanyahu & Wasiirkiisa Difaaca

Caydiid Ali
Taboola Ads ---