Allbanaadir.com
NEWS

Tim Walz oo sheegay in waxa ka socda Minneapolis ay soo xasuusinayaan Muqdisho

Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa wali ka socda banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo dilkii sargaal cadaan ah magaaladaasi ugu geestay nin madow ah aan hubeesneyn xiliga la dilayay.

Banaan baxyada ayaa kusii faafaya magaalada Minneapolis iyo magaalooyin kale, waxaana dadka banaan baxa dhigaya ay gubeen xarumo booliis waxa ay sidoo kale boobeen goobo badan oo ganacsi.

Barasaabka Minneapolis Tim Walz ayaa waxa ka socda magaaladaasi ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, waxa uuna tilmaamay dhacdooyinka hada ka taagan Minneapolis in ay soo xasuusinayaan magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo dhibaatooyin ka jiri jireen.

Booliiska magaalada Minneapolis iyo maamulka magaaladaasi ayaa ku guul dareestay wax ka qabashada banaan baxyada rabshadaha wata ee ka socda magaaladaasi , waxaana magaalada la geeyay ciidamo badan si ay xaalada wax uga qabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hubeysan oo dad ku afduubtay Super market ku yaalla Faransiiska (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Liyuu Boolis oo dil & dhaawac bareer ah u geystay dad shacab ah

Caydiid Ali

Hogaamiyihii Abaabulay Qaraxii masaajidka Daarul Faaruuq oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---