Allbanaadir.com
GALMUDUGMUQDISHONEWS

Madaxweyne Qoor-qoor & Wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo, iyagoo Sii maray maanta deegaanada Galinsoor, Bandiiradleey iyo Saddax hoglo ,halkaasoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Bulshada ku nool deegaanadaas.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdigiisa ayaa boqolaal dadweyne ah kula hadlay Garoonka kubadda Cagta ee  C/llaahi Ciise ,wuxuuna Bulshada u sheegay ujeedka Gaalkacyo u yimid.

Waa safarkii ugu horeeyay oo uu madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku gaaro magaalada Gaalkacyo tan iyo markii xilkan loo doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay isbaaro u dhigtay in ay shiraan Aqalka sare !!

Cabdi Cade

Digniin laga soo saaray Weerar laga cabsi qabo in lagu qaado Garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

Diyaarado ku sigtay in ay isku dhacaan iyo baaris bilaabatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---