Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga qaaday meydka wakiilkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya Xamuud Samraan oo maalmo kahor xanuun deg deg ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.
Meydka Marxuumka ayaa kahor inta aan laga qaadin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa salaada Janaasada ee lagu dukaday ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Wakiilkii Jaamacadda Carabta u joogay Soomaaliya Xamuud Samraan ayaa meydkiisa loo duuliyay Boqortooyada Sacuudiga uu u dhashay, waxaana la filayaa in dalkaasi aas weyn loogu sameeyo.
Masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaana meydka Xaamud Samraan kasii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxa ayna marxuumka ilaah uga baryeen in janadiisa fardowso ka waraabiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com