Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeesay in xalay magaalada Muqdisho lagu soo celiyo in ka badan 130-qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaa oo ku xanibnaa Boqortooyada Sacuudiga.
Diyaarad siday 132-qof oo u badnaa caruur iyo haween Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Sacuudiga ayaa xalay laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde, dadkan ayaana mudo dheer ku xayirnaa Sacuudiga iyadoona saameyn ku yeelatay xayiraada Carona sababay.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu bixiyay amarkan muwaadiniintan Soomaaliyeed looga soo daad gureeyay boqortooyada Sacuudiga ay ku xayirnaayeen mudo dheer.
Dowlada Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho in ay kusoo laabtaan u fududeesay Soomaali badan oo ku xayirmatay qaar kamid ah wadamada caalamka, waxa ayna dowlada hada wadaa dadaalo kale oo dalka loogu soo celinayo Muwaadiniin kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com