Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay rabshadaha ka socda Minneapolis iyo halka uu ku dambeeyay askarigii dilka geestay

Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa wali ka socda banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo dilkii dhawaan sargaal cadaan ah magaaladaasi ugu geestay nin madow ah oon hubeesneen.

Laamaha amaanka dalka Mareykanka iyo Hay’adda cadaalada ee dalkaasi ayaa xabsiga dhigay Derek Chauvin oo ahaa sargaalka dilka geestay , waxaana sargaalkan lagu soo oogay dacwad dil in uu geestay ah.

Sargaalkan xabsiga la dhigay iyo saraakiil kale oo la socotay xiliga dilku dhacayya ayaa dhawaan laga tiray shaqada booliiska dalka Mareykanka, waxa ayna kala kulmeen cambaareyn xoogan falkii ay ku kaceen.

Dilka uu geestay sargaalkan cadaanka ah ayaa caro badan ka abuuray gudaha dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis, waxaana dibad baxayaal careesan gubeen saldhig booliis iyo xarumo badan oo ay ku jiraan kuwa ganacsi oo kuyaala magaaladaasi.

Ciidamo aad u badan ayaa la geeyay magaalada Minneapolis si ay ula tacaalaan xaalada kasii dareysa magaaladaasi, waxaana wali magaalada ka socda dibad baxyayada rabshadaha wata iyo boobka dadka geesanayaan.

Magaalada Minneapolis ayaa u muuqata magaalo gubaneysa oo xaaladeeda ay kasii dareyso, booliiska ayaana adeegsanaya awood dheeraad ah si ay xaalada u dejiyaan ugana hortagaan in rabshado hor leh iyo boob ka dhaco magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo War Saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Shiinaha oo afar dal oo kuyaala Qaarada Afrika ka sameesanaya saldhigyo Milatari

Cabdi Cade

Dagaalkii qaboobaa ee Kenya & Somalia oo sii xumaanaya & Ilhaan Cumar oo halis ku jirta

admin
Taboola Ads ---