Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Wasiirka amniga Galmudug oo wareejiyey baraha Kontrol ee K/Gaalkacyo

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa booqday xerada tababarka ciidamada ee indha-qaris oo ku taallo duleedka magaalada Gaalkacyo.

Xeradaan ayey wasaaradda amniga gudaha Galmudug u asteysay in ay kusoo xaroodaan ciidamada ku sugan Gaalkacyo iyo agagaarkeeda si loogu tiro koobo, loogu tababaro isla markaana uu u helo askari walba xuquuqdiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in xerada dhowaan tababar loogu furi doono ciidamada loogu talagalay In ay ka mid noqdaan Daraawiishta Galmudug oo ay wasaaraddu ku amartay in ay tagaan xerada kana baxaan magaalada.

Dhinaca kale, Wasaaradda Amniga Gudaha Dawladda Galmudug ayaa saaka si rasmi ah ugu wareejisay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug baraha kontorolka Magaalada Gaalkayo si hawlihii canshuur ururintu ay uga bilaabato ayadoo ay Goobjoog ahaayeen ciidamada ilaalada canshuuraha Galmudug.

Munaasabadda mas’uuliyad kala wareegidda ayaa ka dhacday kontoroolka weyn ee Gaalkacyo, ayadoo wasiirka amniga Galmudug uu ku wareejiyey wasiiru-dawlaha wasaaradda Maaliyadda Dawladda Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Taliye Xijaar oo la kulmay James Swan & Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub

Caydiid Ali

Dayuurad gaar ah oo loo dirayo Maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayey xabsiyada India

Caydiid Ali

Lataliyihii hore ee Madaxweyne Obama oo loo xiray hadalo Muslim naceyb ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---