Labo ka tirsan Ciidanka Milliteriga Kenya iyo Sarkaal Boolis ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Iska-horimaad ka dhacay Deegaanka Bura East oo ka tirsan Gobalka Garissa.
Jorje Sangalo Taliye-hoosaadka Booliska ee Degaanka Faafi, ayaa sheegay Iska-horimaadkaasi uu bilowday markii dagaalyahano hubeysan ay weerar soo qaadeen.
War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Kenya ayaa lagu lagu sheegay inuu Iska-horimaadka ay khasarae ugu geysteen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna baacsadeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay baadi goobayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo inta badna weeraro ka fuliyo magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com