Munaasabad oo lagu daahfurayey dhismaha golayaasha degaanka degmooyinka Galmudug laguna bilaabey degmada Cadaado ayaa lagu qabtey xarunta Madaxtooyada Cadaado.
Waxaa ka qeyb galay Munaasabadan Madaxwaynaha Galmudug iyo xubno ka mid ah golihiisa Wasiirada, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug, Maamulka degmada Cadaado xubno ka socday hay’adda CRD iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee Cadaado.
Guddoomiyaha degmada Cadaado oo munaasabadaas hadalo furitaan ah ka jeediyey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaarsan yihiin ku wareejinta xilka cidii la doorto, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay in degmada Cadaado ay yeelato gole degaan oo soo doorta Maamulka.
Saleymaan C/llaahi Xasan Guddoomiyaha guddiga farsamada dhismaha golayaasha degaanka degmooyinka Galmudug ayaa codsadey in lala fududeeyo dhismaha golaha degaanka Cadaado isagoo xusey in bulshadu ay fursad u heli doonto inay soo doortaan golaha degaanka.
Cabdi Shiikhdoon Nageeye oo ka socday hay’adda CRD oo fududayn doonta dhismaha goleyaasha deegaanka degmooyinka Galmudug ayaa sheegay in Cadaado ay noqotey magaaladii ugu horaysey ee laga daah-furey dhismayaasha Golaha degaanka Galmudug, ayna xigi doonaan degmooyinka kale, isagoo ugu baaqay bulshada Galmudug iney taageeraan qorshahan lagu dhisayo goleyaasha degaanka.
Safiirka Midowga Yurub ee Somalia oo qadka Online-ka uga qayb qaadanayey xaflada daahfurka ayaa sheegey in Midowga Yurub uu Galmudug ka caawin doono mashaariic hormarineed, isagoo shacabka ugu baaqay iney ka shaqeeyaan Nabada iyo dowlad wanaaga.
Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku dhawaaqay in wixii xiligaan ka dambeeya ay furan yihiin howlaha dhismaha golayaasha degaanada Galmudug, isagoo ka waramay faa’iidada shacabka Galmudug ugu jirta iney sameystaan goleyaal degaan oo la xisaabtama maamulada degmooyinka.