Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Magacyada wiilashii lagu laayey tuulada Gololey iyo Xildhibaano ka falceliyey

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn uga falcelinaya xasuuqii tuulada Gololey ee degmada Balcad loogu geystay 8 dhalinyaro ah oo 7 ka mid ah ay ka tirsanaayeen shaqaalaha Xarunta Caafimaadka Gololey (Gololey Health Facility).

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa lagu eedeynayaa iney ka dambeeyeen falkan lagu laayey dhalinyarada kuwaasoo shalay kala baxay xaruntooda, wax yar ka dib markii uu halkaas ka dhacay qarax lala beegsaday gaari ay ciidamada dowladu wateen.

Magacyada dhalinyaradan sida arxan darada ah loo laayey ayaa kala ah:

  1. Omar Huti Mohamoud
  2. Abdiasis Abdikadir Abdulle
  3. Ali Axmed Ali
  4. C/risaq C/laahi Qooble
  5. Mohamed Omar Boore
  6. Abukar Muuse Maaxi
  7. Yuusuf Ayuub
  8. Nuur Xaaji Gaas.

Heyadda Zamzam Foundation oo gacanta ku heysa xarunta Caafimaad ee ay ka howlgalayeen dhalinyaradan ayaa si kulul u cambaareysay falkaasi.

“Abaare 1:30 duhurnimo shalay oo ay taariikhdu ahayd 27/5/2020, xarunta Caafimaadka Gololey (Gololey Health Facility) ka trisan degamada Balcad oo ay maamusho hay’adda Zamzam Foundation waxaa soo galay ciidan ku labisnaa dareyska ciidanka oo hubaysan wejiyadana qarsaday waxayna kaxaysteen 7 ka mid shaqaalihii xarunta Caafimaadka iyo qof ka mid ah dadka degaanka lamana garan halka ay u kaxaysteen, Baadigoob ka dib, Maanta oo taariikhda tahay 28/5/2020 waxaa la helay maydadka 8dii qof ee ay ciidanka afduubteen. Shaqaalaha la xasuuqay ayaa ku sugnaa xiliga falka afduubka dhacayay xaruntooda kuna guda jiray hawlahooda caafimaad oo ay bulshada ugu adeegayeen” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ay soo saartay heyadda oo ka codsatay dowlada Somalia iyo maamulka Hirshabelle in dhacdadan foosha xun baaritaan deg deg ah lagu sameeyo, lana soo qabto kuwii geystay si cadaalada loo mariyo.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa isna falkaas dhaleeceeyey isagoo xusay iney masuul ka ahaayeen ciidamo ka tirsan DF.

“Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka afduubteen 8 qofood dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo halkaas ku taala kadibna ay xasuuqeen, Waan cambaareynaynaa falkan argagixiso ee ciidamada dowlada ka geysteen deegaanka Gololey waxaanan ku baaqaynaa in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno ciidamadii iyo saraakiishii xasuuqaan bini-adamnimada ka baxsan geystay” ayuu intaas ku daray Mahad Salaad.

Meydadka dhalinyaradii lagu xasuuqay duleedka Degmada Balcad ayaa isla galabta la soo gaarsiiyey xarunta Dembi baarista CID ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay dadka degaanka iyo masuuliyiin ka tirsan degmada Balcad, waxaana sidoo kale dhacdadan caawa cambaareysay dowlada federaalka oo wacad ku martay in la soo qaban doono dembiilayaashii geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Masaarida (Akhriso)

Caydiid Ali

Rasaastii Ciidamada Dowlada ku fureen taliyihii hore ee NISA oo si kulul loo cambaareeyay

Cabdi Cade

Dil dad badan ka argagaxeen oo ka dhacay Guriceel iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---