Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydadka 8 dhalinyaro ah oo la soo dhigay duleedka degmadda Balcad

Banaanka degaanka Gololey ee duleedka degmada Balcad ayaa waxaa goor dhow la soo dhigay meydadka siddeed dhalinyaro ah oo shalay laga qafaashay degaankaas.

Rag hubeysan oo aan la ogeyn cida ay yihiin ayaa shalay degaanka ka watay dhalinyaradan oo qaarkood ka shaqeynayay xarun Caafimaad oo ku taalla degaanka Gololey.

Degaanka Gololey oo degmada Balcad woqooyi ka xiga 7-km ayaa waxaa gaaray ciidamada amaanka iyo masuulyiin kale oo ka tirsan degmada Balcad.

Dhacdadan oo si weyn looga argagaxay ayaa ugub ku ah gobolka Sh/dhexe, waxaana socda baaritaano la xiriira cida ka dambeysay dil wadareedkan arxan darada ah iyo sababta keentay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad xeelad foolxun u adeegsanaysa inay shaqaalaheeda ku kala dhinto ama erido!

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la dardaarmay Ciidamo Dagaal loo diyaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Madaafiic lagu weeraray xaafado ka mid ah Magaalada Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---