Allbanaadir.com
NEWS

Ilhan Cumar oo ka carootay sida Booliiska ula dhaqmeen banaan baxayaasha Minneapolis

Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa ka socda banaan baxyo xoogan oo looga soo horjeedo dil araxn dara ah oo booliiska magaaladaasi u geesteen nin Madow ah oo lagu magacaabo George Floyd.

Dilka ninkan madowga ah u geesteen booliiska Cadaanka ah ayaa caro badan ka abuuray dalka Mareykanka, waxaana magaalada Minneaplolis ka socda dibad baxyo lagu cambaareenayo falkaasi dilka ah.

Ciidamada booliiska ayaana dadka dibad baxayaasha ah si ay u kala eryaan u adeegsaday sunta dadka ilmada ka keenta iyo sidoo kale rasaasta cinjirka ah,waxaana arintaasi ka carooday siyaasiyiin iyo dad kale.

Xildhibaan Ilhan Cumar oo laga soo doortay magaalada Minneapolis ayaa si kulul u cambaareesay dilka loo geestay George Floyd, waxa ay sidoo kale cambaareesay sida booliiska ula dhaqmayaan dadka banaan baxa dhigaya.

Ilhan ayaana ceeb ku tilmaantay waxa ka dhacaya magaalada Minneapolis, waxa ayna ugu baaqday ciidamada booliiska in ay u turaan dadka u banaan baxaya sidii ay u muujin lahaayeen dareenkooda.

“U adeegsashada rasaasta caagga ah iyo sunta ka ilmeysiisa dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo ay ku jiraan caruur, marka sidaa darteed marnaba looma dul-qaadan karo, waxa maanta ka dhacaya magaaladeena waa arrin ceeb ah, boolisku waa iney is xadidaan, bulshadeenuna waxay u baahantahay waqti ay ku dawoowdo.”ayey tiri Ilhan Cumar.

Dilkan ka dhacay magaalada Minneapolis ayaa noqday mid si weyn u gil gilay quluubta dad badan , waxa uuna dilkan damqiyay nabaro hore oo dadka madowga ku yaalay oo ka dhashay jinsi naceybka mar waliba lagula kaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin gubay xarun Baarlamaanka oo maxkamad lasoo taagay Dacwadna lagu soo oogay

Cabdi Cade

Dowlada Federaalka oo 6 Milyan Dollar oo Deeq ah u fasaxday Maamul goboleedyada (Akhriso)

Cabdi Cade

Dal Somalia u soo diray Ciidankii u horeeyey ee aan qeyb ka aheyn ATMIS (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---