Allbanaadir.com
NEWS

Aabe qirtay in Gabadhiisa dil sharafeed u geestay iyo caro xoogan oo ka dhalatay

Dalka Iran waxaa ka dhacay dil dad badan ka caroodeen kana falceliyeen, kadib markii Aabe gabadhiisa u geestay dil uu ku tilmaamay mid sharafeed uu uga soo horjeeday go’aan gabadhiisa ay ku raacday nin ay jecleyd.

Warbaahinta dalka Iran ayaa tabisay in Romina Ashrafi oo 14-sano jir aheyd ay la baxsatay nin ee jeclaatay oo 34-sano jir ahaa, kadib markii waalidkeed ay ka diideen in ninkaasi u guuriyaan.

Ciidamada booliiska Iran ayaa la sheegay in soo qabtee gabadha iyo ninka ay la baxsatay, booliiska ayaana dib ugu celiyay gabdhan gurigooda, waxaana la sheegay in gabadha booliiska u sheegtay in ay halis kala kulmeyso gurigooda hadii lagu celiyo.

Aabaha dhalay gabadhan ninka la baxsatay ayaa  markii uu guriga ugu tagay gabdhiisa dil u geestay, waxa uuna aabahan oo qirtay dilkaasi ku tilmaamay mid sharafeed uu ku ilaalinayay sumcada qoyskiiska intiisa kale.

9

Ciidamada booliiska ayaana xabsiga dhigay aabahan dilka u geestay gabadhiisa, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in baaritaano lagu sameenayo dilkan dad badan oo reer Iran ah ka careesiiyay

Wabaahinta dalka Iran ayaa dhacdadan warbixino kala duwan ka qoray, waxa ayna Warbaahinta bogga horey ku qorayeen in sarciga oo ku guul dareestay in uu bad baadiyo Romina Ashraf iyo haweenka kale ee reer Iran.

Baraha bulshada oo dhacdadan lagu baahiyay ayaa sidoo kale dadku aad uga falceliyeen, waxa ayna inta badan dadka cambaareyn dusha uga tuureen aabaha dilka arxan darada ah u geestay gabdhiisa iyo booliiska sababta u noqday in la dilo gabadhaasi yar.

Dalka Iran iyo dalal kale ayaa waxaa ka dhaca wax loogu yeero dil sharafeed, dilkan ayaana yimaada marka qof ka mid ah qoyska uu ku kaco fal sharafta qoyska wax u dhimaya inta ay qoyska intiisa kale ceeb soo gaari lahayd qofki falkaasi geystay oo la dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo duuliyay diyaarad yar ee Somaliland leedahay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Xilddhibaano ka tirsan labada Aqal oo qoraal cabasho ah u gudbiyey Midowga Afrika

Caydiid Ali

Shirka ka hortagga lacagaha la dhaqo oo maanta Muqdisho ka furmey (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade