Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Barxada Iskaashatooyinka, waxaana qaraxan lagu soo waramayaa in uu khasaaro ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxu ahaa mid gaari loogu soo xiray sargaal katirsan ciidanka booliiska, gaariga ayaana qarxay xili uu marayay agagaarka hotelka Muna oo ku dhaw barxada iskaashatooyinka.

Sargaalka gaariga watay ayaa warar soo baxaya sheegayaan in qaraxa uu ku geeriyooday, lama ogaan magaca sargaalka qaraxa lagu dilay, sidoo kale wali lama ogaan in dad kale waxyeelo kasoo gaartay qaraxan.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga soo xiro ayaa mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana inta badan qaraxyada nuucaas ah lagu bartilmaameedsadaa wadaha gaariga lagu soo xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo gaaray Hargeysa lana kulmay Muuse Biixi (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarad goordhaw kusoo dhacday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hey’adda qoxootiga Norway oo  dhaqaale siineysa dadka sharciga loo diiday ee …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---