Ugu yaraan 6 Ruux ayaa ku geeriyootey weerar ka dhacay Boqortooyada Sacuudi carabiya sida ay sheegeyaan Warbaahinta gudaha oo soo xiganaya laamaha ammaanka dalkaas.
Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Al-Amoah oo ku yaalla koonfur galbeed dalkaas, waxaana wali ay Booliisku baadi goobeyaan raggii ka dambeeyey qaarkood oo baxsaday.
Faahfaahin lagama bixin sababta iska horimaadka dhalisay iyo cida ku lugta laheyd inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu dhexmaray rag ka soo jeeday labo qoys oo khilaaf uu soo kala dhex galay.
Dowlada Sacuudiga ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin weerarkan oo sidoo kale saddex qof ay ku dhaawacmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com