Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada iyo Gudoonka Baarlamaanka oo la sheegay in ay ka shaqeenayaan Mudo kororsi

Waxaa wali shaki xoogan laga muujinayaa in sanadka soo socda doorashadii horey loo qorsheeyay ay ka dhaceyso Soomaaliya, waxaana hadal heynta ugu badan noqotay in madaxda talada heysa doonayaan mudo kororsi.

Xildhibaan Maxamuud Beene Beene oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa afduub ku tilmaamay mudada bilka ah uu Gudoonka Baarlamaanka ugu daray guddiga doorashooyinka Qaranka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Go’aanka gudoonka baarlamaanka uu ahaa mid qorsheesan oo lagu jabiyay sharciga doorashada, waxa uuna xusay in Gudoonka fuliyeen qorshe hoose oo horey loogu heshiiyay.

“Go’aanadi Shirki Labada guddi joogto waxaa uu aha go’aano qorsheysan oo afduub ah, waliba qodobo sharciga doorashada ah ayaa la jabiyey, Guddoonka ayaa fushaday qorsho ay wateen horayna loogu soo heshiiyey”ayuu yiri Xildhibaan Beenne Beenne

Xildhibaan Beene Beene ayaa sheegay in xubno katirsan gudoonka Baarlamaanka federaalka iyo Madaxtooyada kawada shaqeenayaan in mudo kororsi sameeyaan , waxa uuna tilmaamay damacaasi si weyn uga soo horjeedaan.

Go’aanka mudada bilka loogu kordhiyay guddiga doorashada Qaranka ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar kamid ah wakiilaa beesha Caalamka iyo sidoo kale siyaasiyiinta dowlada Mucaaradka ku ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo xaqiijiyey in Muwaadinkii labaad looga dilay dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

Ciidamo dhar cad ah oo maanta gudaha loo galiyay xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka !!

Cabdi Cade

Kamala Harris oo si adag uga hadashay Weerar Israa’il fulisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---