Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Ibraahim Najax oo si kulul uga hadlay dagaalkii ka dhacay Dayniile

Waxaa shalay dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka Caragaduud ee katirsan degmada Dayniile, waxaana halkaasi ku dagaalamay ciidamada amaanka Dayniile iyo ciidamo milatari ah oo Afgooye ka yimid.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamo ka yimid degmada Dayniile weerar ka geesteen sida uu tilmaamay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

“Shaqaaqada ka dhacday Waaxda jabadgeele Deegaanka ceelasha biyaha ee Gobolka Shabellaha hoose waxaan cadeyneynaa inay u dhaxeysay Ciidanka Booliska Lafoole iyo Maleeshiyaad ka soo gudbay Degmada Dayniile, Shacabka iyo Maamulka labada gobol waa inay nabada ka shaqeyaan oo Dowladnimada la hirgeliyo ayuu yiri” Guddoomiye Najax.

Waxa uu sheegay Ibraahim Najax in soohdinta gobolka Banaadir iyo Shabeelaha hoose ay tahay mid lawada yaqaano , waxa uuna sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in lagu soo xadgudbo deegaankooda laguna qaldamo dhul aan sharciyad sax ah heysan.

Hadalkan kasoo yeeray Gudoomiyaha Sh/hoose ayaa u muuqda in uu wax ka ogahaa Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose weerarka ciidamada milatariga kusoo qaadeen xaafada katirsan Dayniile oo dadkii degnaa laga bur burinayay si dhulkooda loo boobo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubin Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Bamboyinka oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Wafdi uu horkacayo Joseph Ntakirutimana oo dalka soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhallinyaro laga soo celiyay dalka dibadiisa oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---