Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Xilddhibaano ka tirsan labada Aqal oo qoraal cabasho ah u gudbiyey Midowga Afrika

Xildhibaannada baarlamanka Somalia ee ka soo jeeda dawlad goboleedka Jubbaland ayaa gudoonka Midawga Afrika u gudbiyay dacwad ka dhan ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Madeira oo ka hadlayey heshiis bishii hore magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo sadex ka mid ahaa golaha isbadal doonka Jubaland ayaa ku qeexay hershiiskaas mid dhex maray xubno isku beel ah, xili uu warbixin siinayey golaha amaanka ee QM

Xildhibaano iyo Senetaro gaaraya 18 ayaa saxiixay dacwaddan ay kaga dalbanayaan gudoonka Midawga Afrika inuu Ambasadoor Madeira xilka ka qaado maadaama uu muujin waayay dhexdhexaadnimo ku aadan siyaasadda gudaha Soomaaliya arrinkaana ay caqabad ku tahay gudashadiisa waajibadka shaqo ee loo igmaday sida ay warka u dhigeen.

Hoos ka akhriso Qoraalka loo diray Midowga Afrika

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo baaq u diray Dadkii kunoolaa Deegaan uu hadda joogo

Cabdi Cade

Itoobiya oo War cusub ka soo saartay damaceeda badda Somalia

Caydiid Ali

Maxaa Sababay in Maamulka Baydhabo diidaan Booqashada Khayre & Xog Kulanka Farmajo ee Xildhibaanada….!!

admin
Taboola Ads ---