Ugu yaraan 95 qof ayaa ku dhimatay dad badan waa ay ku dhaawacmeen duufaanno xoog badan oo boodh wata marki ay ku dhufteen Paradesh iyo Rajasthan ee waqooyiga India.
Duufaantu waxay gebi ahaanba jartay korontadi, geedahana waxay u siibtay xididdada, waxay burburisay guriyo waxaana ku leeday xoola badan.
Dadka intooda badan ku dhintay waxay ahaayeen dad guriyahooda hurday oo ay guriyaha ku dumeen mugdigi leydh la’aanta ka dhashayna meel ay ka baxaan waayey.
Duufaannada boodhka wata xilliyada xagaaga waxay caadi ka yihiin waqooyiga India balse weli dad intaa dhan waxyeello horay ugama soo gaadhin.
Gobolka uttar Paradesh waxaa ku dhintay 64 qof, iyada oo 43 qof oo ka mid ah ay ku dhinteen Degmada Agra oo ah halka uu ku yaallo dhismaha taariikhiga ee Tajmahal, iyada oo ay saraakiisha dalkaasina sheegeen tirada dhimashada dadka iney sii kordhi karto, iyadoo Geedaha soo dhacay iyo guriyaha dumay waxaa ku dhintay dad badan.
Wasiir gobolkaasi ka tirsan oo la yidhahdo Yogi Aditiyanath ayaa wuxuu amar ku bixiyey in la billaabay gargaar bani aadaminimo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com