Waxaa saakay Degmada Dayniile ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo milatari ah oo doonayay in dhul la isku heesto in ay xoog ku falaan iyo ciidamada maamulka degmada Dayniile oo talaabadaasi kasoo horjeeday.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dagaalka kadib gaaray goobta lagu dagaalamay si uu xaalada usoo qiimeeyo una ogaado waxa uu salka ku hayay dagaalka.
Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu saakay ka dhacay dagaalka xoogan, waxa uuna sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkaste oo ku xad gudubta sharciga.
Dagaalka saakay ka dhacay degmada Dayniile ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta dagaalku ka dhacay saakay gaaray oo kala dhax galay ciidamada dagaalamay Ciidamada Haramcad ee booliiska Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com