Allbanaadir.com
NEWS

Calooshood u shaqeystayaal garab siinayay Khaliifa Haftar oo isaga baxay aaga Dagaalka

Ciidamada daacada u ah dowlada caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa guulo waa weyn kasoo hoyiyay dagaalka ay kula jiraan Ciidamada uu wato Jeneraal Khalifa Haftar oo doonaya in xoog kula wareego talada dalka Liibiya.

Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Tripoli ayaa lagu jabiyay ciidamada uu hogaamiyo khalifa Haftar, waxaana ciidankan iyo xoogag kale oo taageersan lagu qasbay in ay isaga baxaan qeybo badan oo magaalada kamid ah.

Jabka dagaalka kasoo gaaray kooxda Khalifa Haftar ayaa sababay in aaga hore ee dagaalka ay isaga soo baxaan kooxo calooshood u shaqeestayaal u dhashay dalka Ruushka kuwaa oo dagaalka ku garab siinayay Ciidanka uu hogaamiyo Khalifa Haftar.

Saraakiil katirsan ciidanka dowlada Liibiya ayaa sheegay in calooshood u shaqeestayaal Ruushka u dhashay oo dagaalka qeyb ka ahaa isaga baxeen Caasimada loona daad gureeyay goobo kale aan la ogeyn.

“Diyaarad militari oo nooceedu yahay Antonov 32 ayaa soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Bani Walid, si ay u u billaabaan daad gureynta calooshood u shaqeystayaasha kooxda Wagner Group, oo ka cararay koonfurta Tripoli, una qaaday goob aan la aqoon,” waxaa sidaas twitter-ka ku qoray ciidamada taageersan dowladda.

Dagaalka ka socda dalka Liibiya ay ku lug leeyihiin dowlado badan ayaa hada u muuqda mid lagu jabiyay Xulufada Imaaraadka oo taageeraya Khalifa Haftar, halka ciidamada dowlada ee dar darta cusub lasoo baxay iyana taageero ka helayaan milatariga Turkiga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Munaasabad weyn oo sagootin ah oo xalay ka dhacday Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ethiopian Airlines oo duulimaad ka bilaabeysa Magaalo 4-aad oo Somalia ka tirsan

Caydiid Ali

Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo Socod ku maray Suuqa Bakaaraha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---