Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal xoogan oo saakay dhax maray Ciidamo kawada tirsan Dowlada

Waxaa saakay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan duleedka magaalada Muqdisho ku dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlada federaalka Soomaaliya .

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Beco oo katirsan degmada Dayniile, waxa uuna dagaalka dhax maray ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada amaanka degmada Dayniile.

Dagaalka ayaa ka dhashay sida aan wararka ku helnay goof la isku heesto oo kuyaala degmada Dayniile oo Ciidanka mialatiria doonayeen in xoog lagu cabiro, waxaana howlgalkaasi la sheegay in ay hogaaminayeen saraakiil milatariga katirsan.

Ku dhawaad 5-qof oo u badnaa dhinacyada dagaalmaya ayaa ku dhintay dagaalkan saakay dhacay, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo labada dhinaca kala gaaray, lamana oga in khasaaro uu dagaalkan kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Ciidamada dagaalamay ayaa wali isku horfadhiya aaga ay ku dagaalameen, waxaana socda dadaalo ay wadaan saraakiil katirsan ciidanka dowlada oo lagu qaboojinayo dagaalka xoogan ee saakay dhax maray labada ciidan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkaaga Dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo Magacaabay guddi ka kooban 11 xubnoood (Magacyada)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Bajaajley Banaan bax kahor dhigay xarunta CID-da iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Bankiga Adduunka oo shir caalami ah ka furay Washington & RW Khayre oo ka qeyb galaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---