Allbanaadir.com
NEWS

Wariyihii kabaha ku tuuray Madaxweyne Bush oo tartan doorasho isu soo taagay (Daawo Sawirro)

Wariyihii reer Ciraaq ee kabaha ku tuuray madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush ayaa u tartamaya mid kamid ah kuraasta baarlamaanka dalka Ciraaq.

Muntader Al-Zaidi oo ku taagan xisbiga isbaddallo-doonka ee Saeroun ayaa ka mid ah musharraxiin uu taageero waddaadka Muqtada Sadr.

24 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan doorsahadani, Kuraasta baarlamaanka ee lagu loolamayo ayaa gaaraya 328, 46 kuraasta baarlamanka kamid ah waxaa iska leh Kuddiyiinta halka hal meel afartiiba loo qondeeyay haweenka.

Doorashadan toddobaadka dambe dhacayso ayaa ah tii ugu horreysay ee dalkaasi laga qabto illa xilliggii dowladda Ciraaq ay shaaca ka qaaday in dhulal badan ay kala wareegtay kooxda IS bishii Disemba

Muntader wuxuu sheegay inuu doonayo inuu Ciraaq ka ciribtiro musuqa oo dalkaasi ragaadiyay.

Wariye Muntader ayaa sanadkii 2008-dii kabahiisa ku tuuray madaxweynihii hore ee Mareykanka Bush xilli uu booqasho ku joogay dalkaasi.

Wuxuu xabsi ku jiray 12 billood, markii la soo daayayna, waxaa la sheegay in saraakiisha ammaanka ay jirdil u gaysteen.

Zaidi oo wariye ka ahaan jiray telefishinka Al-Baqdaadiyah, xilliggii uu weerarka gaysanayay waxaa shir jaraa’id magaalada Baqdaad ku qabanayay ra’iisul wasirihii hore ee Ciraaq Nuuri Al-Maaliki iyo Bush.

Wuxuuna ku qaylinayay “tani waa sagootin kaga timid dadweynaha Ciraaq oo ay kamid yihiin agoonta iyo dadkii lagu laayay dagaallada Ciraaq”

Markii uu xoriyaddiisa dib u helay Muntader Al-Zaidi wuxuu ka tagey shaqada warbaahinta, wuxuuna aaday qaaradda Yurub halkaaso uu ka aasaasay ha’yad gargaar oo taakulayso dhibanayaasha dagaallada Ciraaq.

Wuxuu wacad ku maray in haddii la doorto 12-ka bishan May inuu la dagaallami doono musuq maasuqa isla markaasna uu maxkamadayn doono dadka ku takrifalayo lacagta dadweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa kuma Maxamed Qanyare “ Taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay (Qaybta Saddexaad)

admin

Mid kamid ah Lataliyaasha Lafta Gareen iyo Siyaasi Mucaarad ah oo Xildhibaano loo doortay

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya & Maamulka TPLF oo wadahadalkii ugu horeeyey la isugu keenayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---