Wasiirkii degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa maalmihii la soo dhaaday xanuunsanayay, ka dib markii uu haleelay cudurka Covid -19, waxaana shalay loo soo duuliyey Xamar si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey geerida Wasiirkii degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com