Muran badeedka Kenya waa midaan dagaal hureyn, waxeyna taas dedejineysaa xoogeysiga muran xuduudeedka ka taagan guud ahaan geeska Afrika.
Kenya waxey Soomaaliya ka maageysaa meel cidlo ah, mana u kala cadda waxa muhiimka u ah oo ay murankaas ku dooneyso: ma shidaalka mise biyaha.
Run ahaantii ma jirto sabab xaqa oo kalifeysa Kenya iney u abuurto khilaaf badeed oo ay weliba u rogto mid xuduudeed, taasoo ah waxaan muran ku jirin oo uusan horay khilaaf uga taagneyn.
Kenya waxey la soo baxday murqo ay ku tijaabineyso siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha soomaalida si dareenkeeda shareed ay cadaadis ugu saarto qeyb ka maamulida kheyraadka Soomaaliya iyo iney shacabka kenya u raadiso mariin ay ku mideyso, fartana ugu tilmaanta hantida ka maqan helisteeda iney u midoobaan. Sidaas daradeed dagaalka kenya ay la damacsan tahay Soomaaliya mustaqbalka dhow waa mid biyo, mid dhaqaale, iyo mid siyaasadeed.
Difaaca dhul badeedka Soomaaliya dhowristiisa wuxuu waajibka kowaad ku yahay xil gudashada madaxda hogamineysa Dalka, Kenyana waxey kuwaas ku waabsatay madadaalin, cabsi gelin, iyo is’hortaag sharci ku raadin xaqa amaanada ay masuulka ka yihiin.
Kenya waxey ku dadaashey in dacwada bada aysan waxyeelo ku yeelan doorashooyinka soo socda ee ka dhacaya dalkeeda, taas oo ay u martay ku guuleysiga si isdaba jooga iney dib ugu dhigto qaadista dacwadaas, laakiin ay taas bedelkeeda guuldarro ugu noqoto madaxda Soomaaliyeed oo ay culeys siyaasadeed kala kulmaan dib u soo noqoshadooda marka la soo gaaro doorashada ay dhowaan gelayaan.
Sida hadda dacwadu u socoto waxey u muuqataa in madaxda sare ee Soomaaliya ay danahooda maalgelineed ee ka yaala dalka Kenya ay kala weyn tahay hantida Qaran ee Kenya ay damacsan tahay iney xoog iyo xeeladba ku milkiso, taasoo guusha ay ka gaarto hanashada bada Soomaaliyeed ku dhiirogelin doonta qabsashada ku xigta oo noqon doonta dhulka koofurta ka xiga webiga Jubba.
Eeda ka taagan muranka dacwada loogu haysto bada Soomaalida guuldaradeeda waxey gooni u tahay hogaamiyeyaasha dowladda Soomaalida, waxaana xusid mudan in muxaafid, mucaarad, dhexdhexaad, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney si buuxda u muujiyeen dareenkooda ay kaga soo horjeedaan boobka kenya, kuna taageerayaan dib uga soo celinta kenya bada Soomaaliyeed, laakiin nasiibdarro ay noqotay in la waayey dhiiranaan ay la yimaadaan madaxda Soomaaliyeed kadib markii Itobiya, Mareykanka, iyo shirkadaha shidaalka ay soo farageliyeen arrinta dacwada oo maslaxad shaqsiyadeed heshiss gaara loogu galay.
W/Q: Saciid Ciise Maxamuud
MAINE, USA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com