Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSWORLD NEWS

Ilhan Cumar oo ku guuleysatay wareeg doorasho cusub oo ka dhacday Maraykanka

Ilhan Cumar ayaa ku guulaysatay wareegga koowaad ee codbixinta isreereebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido ku matalaya doorashada Congress-ka ee lagu wado inay dhacdo bisha November ee soo socota.

Waxay ka guuleysatay Antone Melton oo ahaa nin madow ah islamarkana si wayn u dhaliilayay waxqabadkeeda intii ay xilka haysay.

Xildhibaanada aqalka Congreska Ilhaan Cumar ayaa heshay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka Antone Melton oo kaalinta labaad soo galay uu helay 30.9%.

Doorashada Xisbiga Dimuqraadiga oo loo sameynayay qaab Online ah ayaa waxay socotay muddo 9 cisho ah sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Waxaa sidoo kale tartankan is-reereebka xisbiga Dimuqraadiga ku jirtay Leylo Shukri Adan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo si weyn ugu kacsan Ilhan Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada oo yeeshay Shir dhowr arrimood looga hadlay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo qodob muhiim ah kala hadlay dhigiisa Nikola Selakovic

Caydiid Ali

Siyaasadeynta howlaha Bani’aadminimo ee Imaaraadka iyo Aragtida Xeerka caalamiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---