Waxaa saakay xarun caafimaad oo kutaala magaalada Muqdisho ku geeriyooday Safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya . Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Danjire Xaamud Samraan Al Xuweyti uu u geeriyooday xanuun deg deg ah oo kusoo booday. Xildhibaano iyo masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Safiirka Jaamacada Carabta u joogay magaalada Muqdisho. War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa looga tacsiyadeeyay geerida ku timid Danjirihii Jaamacada Carabta u joogay magaalada Muqdisho.
Related posts
Taboola Ads ---