Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad heshay hab ay Diidiimadu kaga gudbi karaan wadada tareennada maraan

Dadka reer Japan ayaa iskaga imaanaya inay xal u helaan dhimashada Dii-diinka oo marwalba oo ay doonayaan inay gudbaan dhabba-bireedyada tareenka ay ku dhintaan.

Waxaana jira dhowr kiisas oo diin badan ay ugu wax-yeeloobeen marista waddooyinka tareenka. Hadda waxaa jira dadaal ay horbaadayaan Waaxda  West Japan Railway Co kaas oo looga golleeyahay in la yareeyo shilalka ay la kulmaan diidiimadu marka ay gudbayaan dhabbaha tareenka.

Caadiyan diidiimadu waxay maalinle uga soo baxaan hoygooda si ay u raasdsadaan calafkii ay cuni lahaayeen. Taasina waxay ku qasabtaa mararka qaar inay ka gudbaan waddooyinka tareenku maro.

Dhowr toddobaa kaddib dadaalkii loo galay badbaadintooda, hadda waxay si badbaado leh uga gudbi karaan dhabbayaasha tareenka. Waxaana loo sameeyey qeyb ka hooseysa biraha uu tareenku ku dul socdo si ay ugu dhex galaan marka uu tareenku gudbayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

IMF oo shaacisay in Soomaaliya ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista Barnaamijka Deyn cafinta

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada oo saakay la wareegay Deegaan Muhiim u ahaa Al Shabaab

Cabdi Cade

Xildhibaano ka socda Baarlamanka EAC oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---