Allbanaadir.com
NEWS

Khilaafka Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo meeshii ugu xumeyd gaaray

Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa dhawaan banaanka usoo baxay kadib markii labada masuul isku qabteen xil ka qaadis iyo magacaabis la sameeyay.

Axmed Karaash ayaana kasoo horjeestay xil ka qaadis uu Madaxweynaha Puntland ku sameeyay taliye kuxigeenka Ilaalada Madaxtooyada Puntland iyo Wasiiro katirsan maamulkaasi iyo kuwa cusub uu ku bedelay.

Wareysi uu Idaacada BBC-da siiyay Axmed Karaash ayuu ku sheegay in khilaafk kala dhaxeya Madaxweyne Deni uu gaaray meeshii ugu xmeyd, waxa uuna tilmaamay in xitaa aysan salaanta iska qaadin iyaga oo wada jooga Madaxtooyada Puntland.

“Waxaan qoonsaday magacaabista taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Axmed Karaash ayaana beeniyay war kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland oo ahaa in uu kala tashaday magacaabista Wasiiro katirsan Puntland iyo kuwa xilka laga qaaday, waxa uuna tilmaamay in xitaa salaan iska qaadin in ay wada tashadaan iskaba daayee.

“Ma dhicin wax wadatashi ah oo na dhax maray, marxalad aan ka wada tashanno markaa ma jirin, war dee annagaan salaanta iska qaadin, miyaan wada tashan karnaa,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Khilaafkan xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa hada caqabad ku noqday shaqada maamulkaasi, lamana oga halka uu ku biyo shuban doono khilaafkan soo kala dhax galay labada masuul ee ugu sareeya Puntland.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo qarka u saaran in laga reebo doorashada Mareykanka ee sanadkan

Caydiid Ali

Ciidanka Gor Gor oo howlgal bur burin ah ka sameeyeen deegaan Al Shabaab joogeen

Cabdi Cade

Gabar Soomaaliyeed iyo Jilaa qaba oo oo taagero u raadinaya dalal ay Soomaaliya ku jirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---