Allbanaadir.com
NEWS

Qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay ka dhacay degmada Waabari gaar ahaan laamiga hor mara iskuulka 21-ka October, qaraxan ayaana lala eegtay gaari ay leeyihiin ciidamada dowlada.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay xili uu laamiga marayay gaari ay leeyihiin ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana la sheegay in qaraxa uu gaarigaasi kasoo gaaray waxyeelo.

Inta la xaqiijiyay labo qof shacab ah oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ku dhaawacmay, lamana sheegin waxyeelo soo gaartay ciidankii iyo dadkii kale ee saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay.

Qaraxyada Miino ee lagu qariyo wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa maalmahan soo badanaya, waxaana inta badan qaraxyada lala eegtaa gaadiidka dagaal ay wataan ciidanka iyo kuwa saraakiisha la socdaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Lataliye sare u magacaabay Aqoonyahan Soomaaliya Caan ka ah

Cabdi Cade

Madaafiic goordhaw lagu garaacay magaalada Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Ciidanka Itoobiya oo Magaaloyin cusub qabsaday & TPLF oo War yaab leh soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---