Wiil uu dhalay Wariyihii u dhashay Boqortooyada Sacuudiga Jamal Khashoggi ee lagu dhax dilay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa shaaciyay in ay cafiyeen dadkii ka dambeeyay dilka aabahood.
Cafiska ay Qoyska Wariyaha la dilay u fuliyeen dadkii dilay oo Sacuudiga u dhashay ayaa waxaa kasoo horjeesatay gabadhii u doonaneyn Wariye Jamal Khashoggi oo u dhalatay dalka Turkiga.
Hatice Cengiz , oo saaxiib la aheyd Jamal Khashoggi markii la dilayayna Qunsuliyada Istanbuul Sacuudiga ku leedahay u tagay sidii uu u heli lahaa Warqada ogolaanshaha guurka ayaa kahor timid cafiska Wiilka Jamal shaaciyay.
Waxa ay sheegtay haweeeydan in aysan jirin cid xaq u leh in ay cafiso dilaayaasha, waxa ayna tilmaantay in aysan jirin dilkii foosha xumaa ee Jamal loo geestay sharci u qiil sameyn kara.
“Jamal waa qof astaan u ah caalamka oo dhammaanteen naga sumcad badan, laguna faano lana jecel yahay,J amaal in lagu dhex dilay qunsuliyadda dalkiisa xilli uu dukumanti guurkannaga ku saabsan uu u doonta, Dadka dilayna waxay ka yimaaddeen Sacuudiga si ay u khaarijiyaan”. ayey tiri Hatice Cengiz.
Hadalkan kasoo yeeray gabadhan u doonaneyd Wariye Jamal Khashoggi ayaa kusoo aadaya xili xubno katirsan qoyska Wariyahan la dilay shaaciyeen in ay iska cafiyeen dadkii ka dambeeyay dilka aabahood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com