Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Guddoomiye Baarliin Xaaji Buulle oo lagu dilay qarax loogu aasay hoygeeda afaafkiisa

Guddoomiyihii Ururka Haweenka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay qarax saaka ka dhacay degmada Diinsoor sida wararku nagu soo gaarayaan.

Qaraxa ay ku geeriyootay Marxuumad Baarliin Xaaji Buulle ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino loogu aasay afaafka hore ee hoygeeda oo ku yaalla degmada Diinsoor.

Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa iney ku dhaawacmeen 3 caruur ah oo ka tirsanaa qoyskeeda kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka degmadaas.

Marxuumad Baarliin Xaaji Buulle ayaa aheyd haweeney caan ah oo ka mid ah kuwa ugu firfircoon degmda Diinsoor, iyadoo ka dhex muuqatay howlaha maamulka degmadaas gaar ahaan abaabulka haweenka.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii Ururka Haweenka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo sidan oo kale horey dad badan ugu laayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Dal Afrikaan ah oo Mushaar qaadan doona Inta Noloshooda ka harsan !!

Cabdi Cade

Itoobiya oo qorsheyneysa duulaan ay ku qabsato Eritrea

Caydiid Ali

Xog dheeraad ah oo laga bixiyey duqeymo Maraykanku ka geystay Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---