Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dagaalo culus oo ka dhacay Buur-dhuubo iyo Saraakiil ka hadashay

Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo ayaa fashiliyay weerar ay magaaladaa ku soo qaadeen kooxda Al-shabaab sida uu sheegay Taliyaha amniga magaalada Buurdhuubo Nuur Kediye Ibraahim

Hawlgalkaas ayuu taliyuhu sheegay iney ka hor tageen ururka 48-aad ee ciidanka xoogga dalka, isagoo xusay iney u gaysteen khasaare kale duwan.

Taliyaha amniga magaalada Buur-dhuubo Nuur Kediye Ibraahim ayaa intaas ku daray in howlgalkan uu ahaa mid lagu baacsaday cadowga, isla markaana ay ku mashquulsan yihiin raadinta khasaaraha dhabta ah ee Al-Shabaab gaaray.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan jirin wax khasaare ah oo hawl-galkaas kasoo gaaray ciidamada xooga maadaama ay markii horeba ciidanku hayeen xogta tilmaamaysa in cadowgu ay qorshaynayeen inay soo weerarayaan ciidanka sida uu yiri.

Ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya dagaalada ka dhacay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, Al-shabaabna wax war ah dhinacooda kama soo saarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: War-murtiyeed Wadajir ah oo laga soo saaray Shirkii saddex geesoodka ahaa

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Jeneraal Al-Burhan oo Kenya darteed u qaadacay Shirka IGAD iyo Hemetti oo isna shaki muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---