Allbanaadir.com
NEWS

Dad badan oo ka bogsaday Caronavirus iyo Wasaarada caafimaadka oo ka hadashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ka bogsoodeen 16 qofood oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 204 .

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 21 xaalado cusub oo COVID19 ah, oo kala jooga gobalka Banaadir 19, iyo Puntiland 2, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,594.

Bukaannada cusub oo 14 kamid ah waa rag, 7-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay lama diiwaan gelin bukaan u geeriyooday COVID19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Related posts

Ciidamada Xasilinta oo Muqdisho ku qabtay nin hub sharci daro ah watay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin xaaskiisi hore xarig la rabay oo isagii la xiray xukunna lagu riday

Cabdi Cade

Wararkii Ugu dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---