Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyey Urur Siyaasadeed (Sawirro)

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyey kamid noqoshada urur Siyaasadeedka Kaah ee ku jiraan xubno u badan masuuliyiinta maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay Guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, Wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah.

Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu ka mid ahaa qorsheyaasha Iyo Siyaasadda Madaxweyne Deni, waxaana ay maamulka muddo 7bilood ah kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed.

Ururkan ayaa waxaa ku jira xubno badan oo katirsan maamulka Puntland gaar ahaan Wasiiro ,Xildhibaano iyo siyaasiyiin, waxaa sidoo kale dhawaan Ururkan in uu kamid noqdo isku diiwaan galiyay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Related posts

Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oo ka badbaaday Weerar lagu dili lahaa

Cabdi Cade

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay tagaan magaalada uu kasoo jeedo Odinga

Cabdi Cade

Xulka Croatia oo u gudbay wareega 8 dhamaadka iyo Xulka Japan oo..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---