Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay Xubno Al Shabaab u qaabilsanaa ….

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa saakay howlgal qorsheesan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan goob Al Shabaab ku qaadayeen Sakada iyo canshuuraha.

Howlgalkan ayaa intii uu socday waxa ay ciidamada Danab toogteen sadex xubnood oo katirsan Al Shabaab kuna sugnaa goobta sakada lagu qaadayay , waxaa sidoo kale Danab gacanta ku dhigeen hubkii ay wateen ragaasi la dilay.

Taliyaha Guutada 16aad ee ciidanka Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan lagu dilay sadex xubnood oo katirsan Al Shabaab uu ku jira ninkii u qaabilsanaa Canshuuraha uu magaciisa ku sheegay Abuu Haashim.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada Danab sii xoojinayaan howlgalada ay ku beegsanayaan goobaha uu sheegay in Al Shabaab dadka uga qaadaan lacagaha iyo xoolaha baada ah .

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliya qaar kamid ah gobolada dalka gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Al Shabaab, waxaana ciidamadan howlgaladooda mararka qaar gacan ku siiya ciidamo Mareykan ah.

 

Related posts

DEG DEG: War Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Garowe & Xassan Shiikh oo loo digay

Caydiid Ali

Musharaxiinta oo isku qeybinaya Degmooyinka Muqdisho iyo Dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo shaaciyay in Dilka Ikraan Tahliil ka Dambeeyeen Rooble iyo Mahad Salaad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---