Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad fasaxday in labo nuuc oo daawo ah loo isticmaali karo cudurka Caronavirus 

Wadamada caalamka ayaa wali ku mashquulsan raadinta daawo rasmi ah oo lagu daweyn karo cudurka Caronavirus, mana jiro ilaa hada daawooyin la isku raacsan yahay oo wax katari karta cudurkan halista ah ee dunida kusii fidaya.

Dalka Brazil oo kamid ah dalalka sida weyn ugu faafay cudurka Caronavirus ayaa hada fasaxay in dadka qaba cudurkaasi lagu daweyn karo labo nuuc oo kamid ah daawada loogu tala galay cudurka Malaariyada in lagu daweeyo Caronavirus.

Wasaarada caafimaadka ee dalka Brazil ayaa ansixisay in lagu daweeyo bukaanada qaba cudurka Coronavirus daawooyinka chloroquine iyo hydroxychloroquine, ee loo isticmaalo cudurka Malaariyada.

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro , ayaa horey u sheegay in daawada cudurka malaariyada ee loo yaqaano hydroxychloroquine lagu daweyn karo bukaanada qaba cudurka Caronavirus .

Daawada Malaariyada ayaa dalal badan sheegeen in loo isticmaali karo cudurka Caronavirus, hasa ahaatee hay’adda WHO iyo dhaqaatiir ayaa ka digay isticmaalka daawadan iyagoona la xaqiijin in cudurkan daawo u tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Mashaariic laga fulinayo Qardho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iaul Wasaare Xamse oo Ammar dagaal siiyay wasiirrada iyo Hay’adaha kale ee dowladda

Cabdi Cade

Natiijo hordhac ah oo laga soo saaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---