Allbanaadir.com
NEWS

Goobo ganacsi oo kuyaala magaalada Muqdisho oo la bur buriyay (Daawo Sawirada)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama ka fuliyay howlgalo lagu bur buriyay goobo ganacsi oo kuyaalay hareeraha laamiga.

Howlgalka bur burinta oo ay hogaaminayeen masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay xili dambe lagu bur buriyay miisas ganacsi oo yaalay hareeraha laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan Soobe oo haween danyar ah ku ganacsan jireen.

Masuuliyiinta howlgalkan bur burinta hogaamineysay ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay soo celinta bilicda magaalada Muqdisho si ay shacabka ugu ciidan magaalo nadiif ah oo qurux badan.

”Iyadoo nagu soo food leedahay Maalmaha Ciidul fidriga ayaa caawa Maamulka Gobolka Banaadir Waxay Olala Nadagafeed Ka Sameeyeen qaar Ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir si ay shacabka ugu Ciidestaan Magaalo Nadiif ah” ayaa lagu yiri qoraal maamulka gobolka kasoo baxay.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana marar badan sidan oo kale u bur buriyay goobo ganacsi, hasa ahaatee goobahan ayaana mudo kadib dib looga dhisaa goobihii horey looga bur buriyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si adag uga hadlay dadkii lagu laayay Gaalkacyo

Cabdi Cade

Milicsiga xiriirka taariikheed ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Cabdi Cade

Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka oo markii ugu horeesay la qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---