Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka.
Xilkaan ayaa loo magacaabay Yussuf Hassan Salan oo hore u ahaa Agaasime ku-xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada, waxuuna shaqada ka bedelayaa agaasimihii uu lasoo shaqeeyay ee xilkaan uga horreeyay.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shaqooyinkii hore ee uu qabtay xilligii uu ahaa ku xigeenka Hab-maamuuska ay dhaxashiisay in loo dallacsiiyo mas’uulka ugu sarreeya hab maamuuska madaxtooyada.
Yussuf Hassan Salan, waa nin dhallinyaro ah, lamana oga waxa uu kusoo kordhin karo xilkan loo magacaabay , hase yeeshee waxuu qayb ka noqonayaa dhallinyarada qabanaya xilalka waaweyn iyada oo in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay yihiin dhallinyaro.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com