Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaartii galabta Dhexmari laheyd Galmudug & Jubbaland oo la baajiyey iyo sababta ka dambeysa

Waxaa galabta baaqatay ciyaar xiiso lageyd oo lagu waday in ay dhax marto ciyaartoyda Maamulada Jubbaland iyo Galmudug, kulankan ayaana ka dhici lahaa Garoonka Banaadir ee Degnada Cabdi Casiis.

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa go’aamiyay in la baajiyo ciyaartii galabta ku balan sanaayeen Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

Dood iyo Falan qeb kadib Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in kulankan la baajiyo sababo amni darteed, waxaana baaqashada kulankan timid kadib qarax ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si xamaasad leh uga socda tartanka Maamul goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, tartanka ayaana hada maraya meelo xiiso badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo shaaciyey tirada Qaxootiga Afrika ee uu sanadkan qaadanayo

Caydiid Ali

Gudoomiye Mursal oo Eedeyn culus loo jeediyay iyo Dowlada Turkiga oo Hanjabaad u jeedisay..

Cabdi Cade

Mid kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo mudo kordhin loo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---