Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurad ku burburtay Magaalada Savannah & dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay shil dayuuradeed oo ka dhacay meel ku dhow garoonka dayuuradaha Magaalada Savannah ee dalka Georgia.

Shilkan ayaa yimid markii uu si lama filaan ah dab u qabsaday dayuuradda, iyadoo mar qura uu hareeyay Qiiq iyo uuro madow, sida ay sheegeen dad ka ag dhawaa goobta ay ku bur-burtay.

Dayuuraddan oo uu nooceedu ahaa , US C-130, ayaa waxaa lahaa Militaryga Maraykanka, waxaana halkaasi ku Naf waayay shan xubnood oo shaqaale ahaa iyo afar kale oo dayuurada la socday sida uu sheegay afhayeen u hadlay Dowladda Georgia.

Maj. Paul Dahlen oo ah Madaxa ilaalada Qaranka ee Jaziirdadda Puerto Rico ayaa sheegay in Dayuuraddu ay ku sii socotay gobolka Arizona ee dalka Maraykanka halkaasoo uu ku yaallo saldhig ay leeyihiin Ciiamada Cirka ee dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxa ugu Saameynta badan Doorashada Puntland oo Garawe gaaray (Daawo Sawirada)

admin

Abuu Mansuur oo dowladda Norwey kala hadlay ka hortagga fikirka Xagjirka

Cabdi Cade

Markabka Oruç Reis oo shaqadiisa ka bilaabay Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---