Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo eedeeyey xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh C/llaahi ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya qaarkood ku eedeeyey iney dhibaato ku hayaan heyadaha garsoorka dalka.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdisho ayuu sheegay in howlaha Garsoorka Gobolka Banaadir ay ka wadi la’yihiin Xildhibaano fara galin joogto ku haya kiisaska dacwadaha ee Maxkamada Gobolka Banaadir hor yaalla, iyagoo isku dayaya iney dariiqa saxa ah ka weeciyaan Caddaalada.

“Xildhibaanada Golaha Shacabka qaarkood waa laga shaqeyn la’yahay, mar aan la kaftamay, waxaan ku iri (Xildhibaano Qaran miyaa tihiin, mise Qareeno qabiil), laba qof oo is heysata ayay mid soo raacayaan, Garsoorka waa shaqada ugu adag ee la qabto xiligan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dr. Aweys ayaa intaa ku daray in ay cadaalad daro tahay laba qof oo is heysata inuu dhinac lala safto, isagoo xildhibaanada qaar ka dalbaday inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha Cadaaladda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili shalay Duqa Muqdisho uu sheegay inuu ka shaqeyn la’yahay Wasiiro, Xildhibaano doonaya in dad ay wataan loo shaqo la siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo kormeer shaqo maanta sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xaaskiisa Shaqo been abuur ah u sameeyay oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Dowladda Kenya oo hakisay go’aan ay dhawwaan soo saartay kaddib muran ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---