Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo Go’aan adag ka qaadatay Deeqaha loo soo mariyo Dowlada Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad dheer oo ku saabsan munaasabada 18-ka May jeediyay ayaa si kulul uga hadlay deeqaha beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay usoo marsiiso maamulkiisa dowlada federaalka.

Waxa uu sheegay Muuse Biixi in maamulkiisu uusan marnaba aqbali doonin deeqaha Somaliland lagu caawinayo in loo soo marsiiyo dowlada Soomaaliya,  waxa uuna tilmaamay in labo dal hada kala yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

”Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa gar-gaar kasta iyo deeq kasta oo beesha Caalamku ku caawinayso,balse marna aqbali mayso gar-gaar iyo deeq kasta oo la soo mariyo Soomaaliya, oo ay mar wax wada lahaan jireen Somaliland, balse ay hadda yihiin laba dal oo kala madax-bannaan. Gar-gaarkaa iyo deeqdaasina waxaanu u aragnaa mid la siyaasadeeyey oo aan ku iman niyad wanaagsan” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaana uga digay Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha Caalamiga in gar gaarka ay ugu tala gashay maamulkiisa soo mariso Dowlada Soomaaliya, waxa uuna arintaasi ku tilmaamay meel ka dhac qaranimada Somaliland.

”Xukuumadda Somaliland waxa ay uga digaysaa Hay’addaha Caalamiga ah iyo Kuwa Qaramada Midoobay in ay gar-gaarka Beesha Caalamku ugu talo-gashay Somaliland isku dayaan in ay soo mariyaan Soomaaliya. Waxa ka yaalla Sharci, waxaanay meel ka dhac ku tahay Qarannimada  Somaliland, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Hadalkan Madaxweynaha Somaliland kasoo yeeray ayaa kusoo aadaya xili deeqo kala duwan oo loogu deeqay Soomaaliya loo marsiiyay maamulka Somaliland dowlada federaalka Soomaaliya .

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay danjire Kate Foster? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo sameenaysa Qaliino iyo Daaweyn kala duwan oo Muqdisho timid

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dooxa Kula Kulmay Dhiggiisa Qatar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---