Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo dhac farsameesan ka geesan jiray Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa dabagal kadib ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan ciidamo milatari ah oo dhac farsameesan u geesan jiray mooto bajaajta ka shaqeysa magaalada Muqdisho.

Burcad hubeesan oo la sheegay in ay katirsan yihiin ciidanka milatariga iyo kooxo la shaqeeya ayaa dhac u geesan jiray mooto bajaajta gaar ahaan kuwa cusub, waxa ayna burcadan kusii iibsan jireen lacago ka yar qiimaha ay joogto mootada.

Ciidamadan hubeesan ayaa adeegsan jiray haween soo kireesta mootooyinka kadibna markii loogu keeno meel cidlo ah ka dhici jiray wadaha mootada, iyagoona sidaasi mootada kula wareegi jireen.

Dhacii ugu dambeeyay ayaa kooxdan wiil mooto bajaajle ahaa waxa ay ugu geesteen meel ku dhaw Ex-Koontarool Afgooye xili habeen ah, waxaana mootada intan la dhicin kahor kireestay labo haween ah kuwaa oo geeyay meel ciidankan kusii diyaarsanaayeen.

Ciidamada booliiska oo dhacdadan lagu wargaliyay ayaa dabo gal kadib ku guuleestay in ay soo xiraan burcadii dhaca u geestay mootada qaarkood iyo dad kale iyana ku lug lahaa kala wareejinta mootadaasi.

Burcada oo qaarkood yihiin ciidamo milatari ah ayaa ku xiran saldhiga booliiska degmada Hodan, waxaana sidoo kale saldhiga la geeyay mootadii ay dhaceen oo laga soo qabtay deegaanka ceelasha biyaha.

Dhaca loo geesto mooto bajaajta ayaa dareen cabsi leh ku beertay dhalinyarada ku shaqeesata mootooyinka kuwaa oo xiliyada qaar ka cabsada rakaabka ay qaadayaan iyaga  mooda in ay shirqool u geesanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada kursi ay ku tartamayaan Sagaal musharax oo ka bilaabatay Baledweyne

Cabdi Cade

Masuuliyiin tagtay Ceeldheer kaddib weerarkii Al Shabaab shalay ku qaadeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Hanti dhawrka Qaranka oo soo bandhigay lacago la lunsaday xiligii RW Khayre (Akhriso)

Caydiid Ali