Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Carbeed oo War kasoo saartay qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay Gaalkacyo

Dowlada Qadar oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareesay qaraxii shalay ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar ayaa si kulul u cambaareesay qaraxaasi oo masuuliyadiisa sheegatay Al Shabaab, waxa ayna dowlada Qadar tacsi u dirtay dowlada federaalka iyo maamulka Punland.

Warka kasoo baxay dowlada Qadar ayaa lagu sheegay in mar walbo kasoo horjeedaan fal kasta oo abuuri kara colaad iyo sidoo kale falalka argagaxiso ee lagu dhibaateeyo dadka aan waxba galabsan.

Dowlada Qadar ayaa marar badan cambaareesay weeraro iyo qaraxyo dad badan lagu dilay oo ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxa ayna dowladan safka hore kaga jirtaa dowladaha taageera xiligan dowlada federaalka Soomaaliya ee dalka maamusha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaawacyada Masuuliyiin iyo dad kale oo ku dhaawacmay Qaraxyadii Maxaas oo Muqdisho la keenay

Cabdi Cade

(Sawirro) Wasiirka Difaaca & Taliye Odowaa oo kulan xasaasi ah la qaatay wafdi ka socday EU

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo goordhaw Hargeysa ku geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---