Waxaa maanta qarax ismiidaamin ah lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur, waxaa sidoo kale qaraxan lagu dilay qaar kamid ah ilaalada gudoomiyaha la dilay.
Qaraxan ismiidaaminta ah eeĀ lagu dilay Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa ahaa mid aad u culus oo bur buriyay gaarigiisa, qaraxan ayaana ahaa mid jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Gaalkacyo.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ka muuqda bur bur, waxaana goobtaasi yaala baabuur qaraxa ku gubutay iyo sidoo kale mooto bajaaj, walina si cad looma xaqiijin ruuxa qaraxa fuliyay waxa uu u adeegsaday qaraxaasi.
Ā Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com