Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo dalka kusoo celineysa Soomaali badan oo dibadda ku xayiran

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xayiran qaar kamid ah wadamada caalamka, waxaana Soomaalida saameyn badan ku yeeshay cudurka Caronavirus oo keenay in la hakiyo socdaalka.

Gudiga kahortaga faafida cudurka Caronavirus oo xalay hab muuqaal ah kulan ku yeeshay ayey kaga wada hadleen arimo dhoor ay kamid ahaayeen sidoo dalka loogu soo celin lahaa qaar kamid ah Soomaalida ku xayiran dalka dibadiisa.

Kulanka uu shir gudoominayay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Kheyre ayaa diirada lagu saaray sida ugu haboon ee dalka loogu soo celin karo Soomaalida xayiran yadoo la marayo habka caalamiga ah ee hubinta rakaabka loogana feejigan yahay Cudurka Coronavirus.

Guddiga ayaana isku raacay in laga shaqeeyo sidii Soomaalida dibadda ku xayiran si deg deg ah dalka loogu soo celin lahaa iyadoo laga taxadarayo xaaladooda caafimaad lana hubinayo in ay ka bad qabaan cudurka Caronavirus.

Dowlada Soomaaliya ayaana wada dadaalo badan dalka dib loogu soo celinayo Soomaali badan oo ku xayiran qaar kamid ah wadamada dariska iyo wadamo kale ,kuwaa oo mudo ku xayiran dalalkaasi kadib markii la joojiyay socdaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo qiratay askartii ugu badneyd ee hal maalin looga dilay dagaalka Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Weeraro lagu bur buriyay xarumo Al Shabaab ku lahaayeen iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---