Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay fasaxday ka ganacsiga Qaadka ka dib markii in muddo ah loo joojiyey sababo la xiriira Coronavirus.
Qaadka la fasaxay ayaa laga bilaabo berri iman doono guud ahaan degaanada Somaliland.
War kasoo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa lagu sheegay go’aanka lagu fasaxay qaadka ka yimaada dalka Itoobiya.
Go’aanka Somaliland ayay dad badan ku tilmaameen mid si weyn loogu fududaaday oo sababi kara inuu sii xoogeysto faafida cudurka COVID-19, iyadoo kiisaska laga helay Somaliland ay sii kordhaayeen maalmihii la soo dhaafay.
Hoos ka akhriso qoraalka lagu fasaxay Qaadka
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com