Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Taliye Magacaabidiisa Khilaaf xoog leh uu ka dhashay oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee ciidanka Madaxtooyada  Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta  Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir iyo saraakiil kale.

Dhammaan Madaxdii hadashay ayaa u rajeeyey guul iyo shaqo wanaagsan Taliyaha cusub ee ciidamada Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Khilaaf xooggan uu ka dhashay Magacaabista Madaxweyne Deni ee taliyaha maanta xilka la wareegay iyo ku-xigeenkiisa ka dib markii uu kasoo horjeestay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash oo sharci daro ku tilmaamay.

Axmed Karaash ayaa ku adkeystay in madaxweynuhu uusan kala tashan magacaabidda taliyeyaashaas, isagoo soo saaray isla maalintaas digreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni.

Siyaasiyiin, xubno ka tirsan goleyaasha Puntland iyo isimada dhaqanka ayaa ku soo baxay khilaafka ka dhex qarxay labada masuul, waxayna haatan ku howlanyihiin xalinta khilaafkaas, sida ay sheegeen xubno qeyb ka ah waan-waanta socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo Dhagax dhigay xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha UK oon ka qeyb gali doonin aaska amiir Philip iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Maamulkii Magaalada Baydhabo xilka laga qaaday iyo Mid cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---