Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirad Fowsiya oo shaacisay tirada dadkii ugu dambeeyey ee laga helay COVID-19

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 73 xaaladood oo COVID-19 ah, 13 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo 2 bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntiland 25, Somaliland 19, gobalka Banaadir 17 iyo Koonfur Galbeed 12. Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween.

1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caro xoogan oo ka dhalatay booliis Mas ku cabsi galiyay nin Eedeysane ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Warqad lagu faafiyay Baraha Bulshada

Cabdi Cade

Askari 8 sano ka hor labo haween ah ku dilay Magaalada Muqdisho oo la qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---